Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Gaaray Dhuusamareeb

Published: July 8, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Madaxweyne Waare ayaa dhuusamareeb kaga qaybgali doona shirka madaxda maamul goboleedyada oo la filayo inuu berri ka furmo magaaladaasi.

Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa Saacadaha soo socda iyagana la filayaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *