Soomaaliya: Kiisaska COVID19 Oo Gaaray 3,000

Published: July 8, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 13 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 3,028 kiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala Gobolka Banaadir 7 Puntland 4 iyo Somaliland 2 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 51 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 1,147.

Bukaannada cusub 9 ka mid ah waa rag 4-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *