Taliska Booliska Soomaaliyeed Ayaa Ka Warbixiyey Qarax Saaka lagula Eegtay Muqdisho

Published: July 8, 2020

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,sida uu SONNA u xaqiijiyay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.

Qaraxan oo ka dhacay ag agaarka Taleex ee degmada Hodan abaaro 10:00 barqanimo ayaa qabsaday gaari nuuca (Landcruser-ka) ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,waxaana ku dhintay 2 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaarigaasi oo miinadu ay la kacday.

“Waxaa saaka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo soo boodada ah,waxaana ay lakacday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska,2 askari waa ay ku geeriyootay,2 kalena waa ay ku dhaawacyeen, oo gaariga la socday,mana jiraan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay”.ayuu yiri; afhayeenka booliska oo u la hadlay wakaalada wararka ee SONNA.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad oo lagu dabiibayo,iyadoo ciidamada ammaanku ay wadaan hwolgalo ku aadan sugidda ammaanka iyo dabagalka koxaha argagixisada oo inta badan qaraxyada ku dhibaateeya bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *