Farmaajo maka Qayb-galayaa Shirka Dhuusamareeb?

Published: July 9, 2020
Farmaajo oo ka degaya Diyaarad, Dhuusmareeb, Sawir hore

Iyada oo lagu wado in maalinta Sabtida ah ee ee 11 Luuliyo uu furmo shirka u dhexeeya shanta Dowlad goboleed ee dalka ka jira, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tegi doono magaalada Dhuusamareeb maalinta Axadda ah.

Mid kamid ah shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha ayaa Horseed u sheegay in ay dhici karto in Madaxweynuhu uu ka qaybgeli doono xiritaanka shirka ama furitaankiisa, laakiin wuxuu ku soo koobey in ay tahay wax dhici kara, waxaana uu hoosta ka xariiqery in shirku markii hore uu gooni ku ahaa dowlad goboleedyada keliya laakiin qaarkood u arkeen in ay habboon tahay in Dowladda federaalkuna shirka ka soo qaybgasho, si loogu gogol-xaaro shirka weyn ee Dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 05 Luuliyo mudeeyey in la isugu yimaado shirka Wadatashiga ee waxa loogu yeeray Golaha Amniga kaas oo ka dhici lahaa Muqdisho laakiin baaqdey sabab aan ilaa hadda cidna si rasmi ah uga hadlin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *