Madasha Xisbiyada Qaran Oo Wada Dadaalo Lagu Heshiisiinaya Gudoonka Labada Aqal

Published: July 9, 2020

Madaxweynayaashii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ahna hogaanka madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu soo celinayo shaqayntii gudoonka labada aqal ee baarlaamka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha oo kulan la qaatay guddoomiyha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ujeedkiisu ahaa dardargelinta qodobada kulan ay horey u wada yeesheen iyo sidi loo soo celin lahaa wada shaqeyntii labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Gudoonka Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diidan sharciyo la hortageeyey golaha shacabka, kuwaas oo ay kamid yihiin kuwa doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *