Madaxda Puntland Iyo Jubbaland Oo Gaaray Dhuusamareeb

Published: July 9, 2020

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey dhigooda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Madaxdan ayaa ka qaybgalaya shirka wadatashiga dowlad goboboleedyada dalka, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, xaaladda amniga, dib u eegista dastuurka iyo khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Sidoo kale waxaa dhuusamareeb ku sugan madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo halkaas gaaray shalay iyo maanta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *