Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Dhuusamareeb

Published: July 9, 2020

Madaxweynayaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhuusamareeb kaga qaybgali doona shirka madaxda maamul goboleedyada oo la filayo inuu maanta ka furmo magaaladaasi.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa hadda ku sugan dhuusamareeb, waxaana la sugayaa saacadaha soo socda inay halkaas gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dhuusamareeb ayaa lagu soo daabulay ciidamo ay wataan madaxda dowlad goboleedyada, wuxuuna mid kastaa doonayo inuu si gaar ah u sugto ammaankiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *