Madaxweyne Farmaajo Oo Taageeray Baaqa Kasoo Baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya, ee Doorashada

Published: July 9, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageeray baaq kasoo baxay golaha wasiiradda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Sida ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa in badan walaac ka muujiyey inay doorashadu waqtigeeda ku dhici weydo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *