Shirkii Maamul Goboleedyada Ee Dhuusamareeb Oo Dib U Dhacay

Published: July 10, 2020

Shirka Wadatashiga Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo lagu wadey inuu maanta oo jimce ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid.

Shirkan oo ay madaxda maamuladu kaga wadatashan doonaan arrimo badan oo ay kamid tahay doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa inuu berito furmo.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa inay ilaa xalay yeelanayeen kulamo gooni gooni ah oo ay isku arkayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *