Madaxweyne Axmed Madoobe: Wadatashi baa horumar lagu gaaraa!

Published: July 11, 2020

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale u mahadnaqay Dowlada iyo Shacabka Galmudug ee martida loo yahay.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay halkii laga soo bilaabay dowlad-dhiska kadib burburkii iyo dagaaladii sokeeye ayaa sheegay in horumar badan lasoo sameeyey, horumarkaasna lagu gaaray wadatashi iyo wadahadal.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in hadii ay socon weyday hirgelinta Doorashadii Cod iyo Qof  in ay khasab tahay in laga tashado qaabkii ay noqon lahayd doorashada, isla markaana ay tahay Dastuuri in Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay arrintan ka tashadaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiisyo badan oo horey u dhexmaray dowlad gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka aysan dhinaca xukuumada Federaalka ka fulin.

Wuxuu sheegay inuu rajeenayo in shirkan uu noqdo mid bilow u noqda wadashaqeyn xoogleh oo dhexmarta Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

“…Waxaan aad iyo aad usoo dhaweenayaa dadaal kasta oo la isugu soo dhaweenayo dhinacyada kala duwan ee siyaasiyiinta…qof walba waa inuu ka fekero iskuheynta dalka iyo Amnigiisa…” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *