Madaxweyne Deni: “…Aan wadahadalno waa aan heshiino!…”

Published: July 11, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo khudbad kasoo jeediyey furitaanka shirkada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee maanta Dhuusamareeb ka furmay ayaa ugu mahadnaqay Galmudug kaalinta weyn oo ay qaadatay ee qaban qaabinta shirka.

Madaxweynaha Puntland ayaa mahadnaqa Dowlada iyo Shacabka Galmudug kadib sheegay in loo baahan yahay xiligan in dhamaan Soomaalida ay wax walba oo khilaaf ah ku dhameyso wadahadal iyo iskaashi.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Deni xiriirka xiligan ka dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo uu sheegay in horumar weyn laga sameeyey, isagoona sheegay in Maamulka Cusub ee Galmudug uu sameeyey dadaal badan oo ah dib u heshiisiin iyo xasilin.

Madaxweyne Deni oo ka hadlaya shirka maanta loo fadhiyo iyo arrimaha horyaal ayaa yiri:

“…Soomali waa kala shakisan tahay weli, waxa kaliya oo ay ku xalin karto waa inay wadahadasho oo aysan been isu sheegin…”

In ay kala qeybsanaato hawlaha shaqo oo lagu dhaqmo nidaamka Federaalka waa mid baahineysa waxqabadka dowlada, ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuuna sheegay in mar hadii Dowlada Federaalka ku guuleysan weyday inay qabato Doorasho cod iyo qof ah, in hada lasoo gaaray in la qabto wixii ay awoodaan shacabka Soomaaliyeed oo aan lagu fekerin xil kororsi.

Madaxweynaha Puntland oo la kaftamayey shacabka Galmudug ayaa sheegay in uu hada ku faraxsan yahay in maanta Galmudug ay tahay meel si weyn looga taageersan yahay nidaamka Federaalka oo ay horey dadka qaarkiis uga soo horjeedeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *