Madaxweyne Lafta-Gareen: In 4tii sano Doorasho la qabto Soomalidu waa isku raacsan tahay

Published: July 11, 2020

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ka hadlay furintaanka shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirka loo fadhiyo uu yahay mid muhiim ah isla markanaa ay tahay Dastuuri in maamulada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay arrimaha horyaal shirka ayaa sheegay inuu rajeenayo in lagu heshiin doono arrimaha xasaasiga ah sida Doorashada oo uu sheegay in ummada Soomaaliyeed isku raacsan tahay in doorasho la qabto 4tii sano marka uu xilka ka dhamaado Madaxda xilka haya.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay lama huraan ay tahay ay dhacdo Doorasho ay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ay heshiis ku yihiin.

Sidoo kale Lafta-Gareen oo hadal qabsanayey kaftankii Madaxweynaha Puntland ayaa isagana sheegay inuu sidoo kale soo dhaweenayo in Galmudug ay maanta qeyb ka tahay taageerayaasha nidaamka Federaalka.

“…Shacabka Koonfur Galbeed waxay Federaalka Doonayeen xiligii xoriyada la qaadanayey…” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur-Galbeed.

Wuxuuna Lafta-gareen sheegay inay muhiim tahay in dowladnimada lasii daadajiyo oo aan Hal gacan lagu soo koobin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *