Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare: Oo si adag u difaacay Dastuurka

Published: July 11, 2020

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si gaar ah u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo uu sheegay inuusan kasoo qeyb gelin shirarka noocaan ah tan iyo markii dib loo soo doortay, isagoona u mahadnaqay shacabka iyo dowlada Galmudug ee kasoo shaqeeyey qabsoomida shirkan.

Madaxweyne Waare oo jeediyey khudbad aad u wanaagsan isla markaana ahayd mid qodobeysan waxaana uu u kala qaadey

  • Dastuurka federaalka
  • Doorasho la isla oggol yahay heshiis ku timaada
  • Beesha Caalamka oo sharciyad loo haysto
  • Maqaamka Caasimadda iyo metalaada gobolka Banaadir

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugu horreyn sheegay in waxa dhamaantood isu keenay ee ay kuwada fadhiyaan kuna shirayaan uu yahay Dastuurka Soomaaliya.

“…Dastuurka waa mid ku yimid wadatashi dheer iyo heshiisiyo kadib dagaaladii dalka ka dhacay, waana dhaxalka Shacabka Soomaaliya, maaha Waraaq la iska qoray…” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay Ahmiyada Dastuurka.

Waxay u baahan tahay in Dastuurka niyad-wanaag lagu fasiiriyo.

“…Gaar ahaan waxaan ka dhaxlayno Dastuurka waxaa ugu muhiimsan nidaamka lagu heshiiyey oo ah FEDERAAL…waa meesha ay ku kaydsan tahay xaquuqda Muwaadinka Soomaaliya, waxayna taladeena ku jirtaa inaan illaalsano…” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle oo u muuqday inuu fariin u dirayey Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

In wadankan Xasilooni siyaasadeed laga helo waxay ku xiran tahay in aan Dastuurka u hogaansano, ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Arrimaha Doorashada mar uu ka hadlayey Madaxweynaha Hirshabelle ayuu yiri:

“…Doorashada waxaa mar walba saldhig u ah in marka hore lagu heshiiyo… Gaar ahaan dal kasoo kabanaya burbur waa lama huraan in marka hore heshiis laga gaaro…Doorashadana waa in ay wakhtigeeda ku dhacda, wixii intaas kasoo hara waa Farsamo…”  ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Waare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka tirsan tahay ururo caalami ah sida Qaramada Midoobey, AU, IGAD, Liiga Carabta iyo kuwo kale sidaas darteed loo baahan yahay in sharciyadda la ilaaliyo oo aan wax aan sharcigeenu oggoleyn la qaban, taas oo keenaysa in ururada caalamiga ah ee aan ku jirno aysan ina kula shaqeyn karin sharci darro.

Gobalka Banaadir oo uu ka hadlay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in ay helaan metalaad muhiim tahay, balse wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in arrimahaas laga hadlo xili ay wakhti gebo-gebo ah mareyso muddada xukuumada talada heysa.

“…Soomaali oo dhan bay u taal inay ka wadatashato Meqaamka Caasimada…Caasimada waa wada-leenahay oo aan Hagaajisano…” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *