MALI: Shacabka oo dhigay banaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha

Published: July 11, 2020

Kumanaan shacab ah ayaa caasimada dalka MALI ka dhigay banaanbax rabshado wata, qaar kamid ah shacabka ayaa xoog ku galay Xarunta Telefishinka Qaranka iyagoona sidoo kale isku dayey inay la wareegaan xarunta Baarlamaanka.

Mudaharaadyada ayaa bilowday salaadii jimce kadib waxayna socdeen illaa xalay saqdhexe.

Xiisada ka taagan magaalada Bamako ee caasimada Mali ayaa la xariirta cadaadiska ay shacabka saarayaan Madaxweynaha dalkaasi  Ibrahim Boubacar Keita oo ay ku eedeenayaan inuu ku fashilay siyaasada xasilinta dalka iyo waliba la dagaalanka cudurka Covid19.

Ugu yaraan 1 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshadaha, booliiska ayaa isku dayey inuu ka hortago shacabka gadoodsan balse waxaa jira goobo badan oo ganacsi oo la bililiqeystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *