Puntland Oo Xidhay Labo Sarkaal Oo Ka Tirsan Booliska Nugaal

Published: July 11, 2020

Dowlada Puntland ayaa xidhay labo sarkaal oo ka tirsan booliska gobolka Nugaal, Waxaana Xarigooda loo aaneeyey inuu sababay kadib markii ciidamo ay ku jiraan oo tababar loo geeyey magaalada Qardho ay halkaas gadood ka sameeyeen arrintaas oo markii dambe la xaliyey.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ahaa Taliye ku xigeenkii qaybta booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo taliyihii Saldhiga bartamaha Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Puntland ayey caado ka noqotay inay ciidamada dowladu gadoodaan iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *