Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dil Uu Geystay Mid Kamid Ah Ilaaladiisa

Published: July 12, 2020

Wasiirka Caddaalada Dowlada Federaalka Soomaaliya,  Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil uu mid ka mid ah ilaaladiisa u geystey Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in baaritaan lagu wado askariga dhibka geystay laguna hayo xarunta dambi baarista ciidanka booliska.

Wasiir Xasan ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka Caddaalada ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada federaalka inay xil iska saaraan ilaalinta hubka gacantooda ku jira si uusan dhib uga soo gaarin dad aan waxba galabsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *