Kulmiye, Ucid & Wadani Oo Ku Heshiiyey Doorashada Soomaaliland 2020

Published: July 12, 2020
Sawir Heshiiska Maanta

Hoggaanka saddexda xisbi ee Soomaaliland ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo wakiillada Soomaaliland ee sanadkan 2020.

Heshiiskan oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ujeedkiisu ahaa in la dejiyo hannaan wada-shaqayneed oo ay yeeshaan dhamaan xisbiyadu oo ay kamid tahay xalinta khilaafaadka, si loo qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada

Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta gacantooda ku saxiixay heshiiskan oo bedelaya heshiiskii hore ee 27-kii febraayo 2020 kaas oo ay goobjoog ka ahayd beesha caalamku.

Hoos akhriso heshiiska:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *