Generaal Odawaa Oo Ka Badbaaday Qarax Lala Beegsaday

Published: July 13, 2020

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday naftii halige doonayay in uu isku qarxiyo colanyo baabuur ah oo uu la socday.

Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay, xilli ay marayeen meel u dhaw Cisbitaalka Xoogga oo kuyaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Labo kamid ah ilaalada taliyaha ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi,kuwaasi oo loo qaaday xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo aan la hadlay warbaahinta dowladda federaalka qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in ciidamada ilaaladiisa ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan falkaasi qaraxa ahaa oo naftii haligahaasi uu waday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *