Goodax Barre Oo Mar Kale Diiday Shahaadada Ardayda Puntland !

Published: July 13, 2020

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdillaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu soo dhamaaday xiriirka dhinaca waxbarashada ee kala dhexeeyay Puntland, kadib markii uu ku eedeeyay inay diideen in ay qeyb ka noqdaan imtixaanka shahaadiga qaranka.

Wasiir Goodax oo ka qaybgalayey dood ay qabatay idaacadda VOA-da laanta Afsoomaaliga ayaa sheegay in marnaba ardayda Puntland heli doonin shahaadada dowlada Soomaaliya.

” Anaga weli waxaan qabnaa mab da’ii ahaa imtixaankaan shahaadiga waxay masuuliyad ka saaran tahay dowladda federalka, waxaan shahaado siinaynaa cid kasta oo kasoo qeyb gasha, marnaba ma siinayno cid aan ka qeyb galin, dowlada federaalka ma ahan kuwa diidan in ardayda Puntland helaan shahaado, balse aysan xaq aheyn in Shahaado la siiyo arday aan imtixaan gelin” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkii hore ay jireen wadahalo arrintan xal loogu raadinayey balse aysan hadda muuqan, wuxuuna dowlada Puntland ku eedeeyey inay siyaasadaysay waxbarashada ardayda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Putland , waa ay khaldantay ma waxay rabaan in la siiyo shahaado bilaa imtixaan ah , balse haddii ay ogalaadeen gobalada kale maxay putland KU diidaysaa in ardayda gobalada putland ay u fadhiistaan imtixaanka guud?