Gudoonka Aqalka Sare Oo Soo Dhoweeyey War-murtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb

Published: July 13, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa soo dhoweeyey qodobadii kasoo baxay shirkii maamul goboleedyada ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

War saxaafadeed uu maanta soo saaray guddomiye Cabdi Xaashi ayuu ku bogaadiyey shirkaas isagoona ku tilmaamay inuu yahay heshiis hordhac u ah heshiis wadajira oo ay gaaraan madaxda dowlada federaalka iyo dowlada xubnaha ka ah.

Wuxuu u mahadceliyey dowlada Galmudug oo xil iska saartay qabsoomida shirkaan taariikhiga ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *