Shirka Dowlad goboleedyada intaas ka badan ayaa looga fadhiyey : Faallo

Waxaa habeenkii Isniinta ee 13 Luuliyo, xilli danbe soo baxay War murtiyeed ay soo saareen Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshbaelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, goobta lagu akhrinaayey war-murtiyeedka waxaa joogey qaar kamid ah Wasiirada Dowlad goboleedyada, waxaana saxaafadda u akhriyey Yusuf Garaad Cumar oo xiriiriye ka ahaa furitaankii shirka Dowlad Goboleedyada.

Qaabka shirku ku dhamaadey ayaa ah mid ka duwan shirarkii hore ee miro dhalka ahaa ee Dowlad goboleedyada dhex mari jirey, waxaana la is weydiinayaa in Madaxda Dowlad goboleedyada Soomaaliya ay mar kale si wada jir ah Dadka Soomaaliyeed ulla wada hadli doonaan faahfaahina ka bixin doonaan shirkoodii iyo in shirku intaas ku dhan yahay.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda oo akhrin yaqaan sadarada qarsoon ayaa sheegaya in shirka intaas ka badan looga fadhiyey laakiin war-murtiyeedkani uu yahay wax aad u yar oo horey loo ogaa.

Shirka waxaa saameyn weyn ku yeeshey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Go’aankii Khamiistii la soo dhaafey ka soo baxay Golaha Xukuumadda federaalka , si adagna uu u sheegey Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federaalka Mudane Xassan Cali Kheyre waxaa dadka qaarkiis u arkeen in ay ahayd farriin cad oo shirka toos ugu socotey oo ahayd in loo midoobo arrimaha doorashada, laakiin waxaa isla maalintiiba dareenka ka qaatey warkaas kii ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ee isla qoraalkaas lagu taageeray iyada oo dabar iyo seeto looga dhigey Sharciga Doorashooyinka ee dhigaya doorasho Xisbiyo lagu galo, qoraalka Madaxweynaha ayaa ahaa in uu markiiba qabsado hoggaanka dhulka uga dhacay ee Raysalwasaaruhu kor u soo qaadey.

Doodihii ugu badnaa ee shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa in shirka lagu casumo Madaxda Dowladda Federaalka ah, waxaana qorshahaas si xooggan u wadey qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada iyo Villa Somalia oo si ba’an u raadineysey in ay shirka ka qaybgasho.

Qaar kale oo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa qabey in shirku intaas ka macne weynaado, ugu horreyn dib loo soo celiyo Magacii iskaashiga Dowlad goboleedyada, ee xil hayntiisu ahayd wareeg, qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa wax la iska weydiiyo talo mideysana laga yeesho, in dib u noqosho lagu sameeyo qaar kamid ah xeerarkii Baarlamaanka iyo qodobo kale oo badan oo ay ka mid ahayd muddeynta shirarka iyo sameynta Road Map.

Villa Somalia aad ayey u dooneysey in shirka ay ka qaybgasho, waxaana qorshaheedu ahaa in ay ka hordegto in Dowlad goboleedyadu ay qaataan doorka hoggaamineed iskuna waafaqaan qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta kadibna ay iyada ku khasbaan, sidoo kale waxay u muuqataa maqnaanshaheeda marka la eego indhaha caalamka in ay noqotey mid taagdaran oo laga tashadey.

DHUUSAMAREEB 2

Shirka labaad ee Dowlad goboleedyadu ku dhawaaqeen waxaa la sheegay madasha lagu qabanayo oo ah Dhuusamareeb laakiin wakhtiga lama muddeyn, waxaana taas masuul looga dhigey Galmudug sida muuqata, shirkaas waxa uu noqon doonaa kan ugu adag ee looga doodo arrimaha doorashada. Waxaa la isweydiinayaa sida Dowladda federaalku shirkaas uga qaybgeli doonto, shirka laguma casumin shirguddoonka Baarlamaanada Soomaaliya, oo hadda kala qaybsan, sidoo kale waxaa la is weydiinayaa sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah iyo Raysalwasaaraha Xukuumaddda Federaaliga ah ay mowqif mideysan uga qaadaan karaan marka la akhriyo mowqifyada kala duwan ee kala ah Doorasho la isla oggol yahay nooca ay doonto ha noqoto oo raysalwasaaruhu qabo iyo Madaxweynaha oo qaba doorasho waafaqsan Sharciga Doorashooyinka dalka.

Waxaan shaki ku jirin in Villa Somalia ku dedaali doonto in shirkaas ay ka soo qaybgalaan shirguddoonka Golaha Shacabka, haddiiba Baarlamaanku aysan sii wadin shakiga laga qabo ee muddo kororsiga, Shirgudoonka Aqalka Sare ayaan shirka isagana laga reebi karin, waxaana taasi keeneysaa Dowladda federaalka oo kala qaybsan in ay shirka ka qaybgasho taas oo horseedi karta, caqabad waajahda doorashada 2020/2021.

Gebagebo

Ugu danbeyn shirka Madaxda Dowlad goboleedyada Soomaaliya inta ay soo saareen waa inta la ogyahay in ay isla oggol yihiin hadda, Xukuumadda Federaalkuna la oggoshahay marka la akhriyo daahirka, waxaa muuqata in Dowlad goboleedyadu u baahnaayeen wakhti intaas ka badan oo ay isku baran karaan kuna turxaan bixin karaan haddii uu jiro khilaaf dhexdooda ah, warka ay Dhuusamareeb ka soo saareen waxa uu ahaa mid aad u yar, waxaana shaki ku jiraa in uu jiro qorshe kale oo qarsoon oo qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu ku heshiiyeen laakiin aan la soo bandhigin weli, kaas oo saameyn ku yeelan doona Dhuusamareeb 2.

Maxamed Cismaan
Horseed Media