“Guulwadaha Farmaajo” ee Goodax iyo Ardayda Puntland -FAALLO

Wasiirka Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidii lagu yiqiinay markale bilaabay olole uu ugu hanjabayo Waxbarashada Puntland iyo Ardayda ka badan 16,000 ee bilowgii bishan u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah.

Goodax Barre ayaa ku goodiyey in Dowlada Muqdisho fadhida aysan wax shahaado ah siin doonin Ardayda Puntland, maadaama Xafiiskiisa Muqdisho uusan maamulin imtixaanada ka dhacayey deegaanada Puntland, mana aha markii kowaad oo hadal noocaan ah kasoo baxo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso arrimaha Siyaasadda ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland. (Puntland State of Somalia)

Goodax Barre ayaa sidan oo kale dhamaadkii bishii January ee sanadkan soo saaray hadalo uu ku weeraray Puntland kuna hanjabay in shahaado uusan siin doonin Ardayda reer Puntland.

Sharcigii Batroolka & Go’aankii Puntland (January 2020)

Hadalada Goodax ee bishii Janaayo ayaa lagu beegay maalmo kadib markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni uu ku dhawaaqay in Puntland aysan aqoonsaneyn Sharciga Cusub ee Batroolka ee uu Golaha Shacabka meelmeriyey , kaasi oo kamid ahaa dhawr sharci oo muhiim ah oo aan lagala tashay Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Sharciga Batroolka oo kamid ah sharuucda la sheego inay dhabarka ka riixayeen dalal shisheeye oo daneenaya Batroolka Soomaaliya ayaa si deg-deg ah lagu mariyey Golaha Shacabka, waxaana xusid mudan in sharcigan laga hormariyey kuwii kale ee ka muhiimsanaa sida Sharciga Doorashada.

Waxaa sidoo kale xiligaa jiray xiisad ka dhex taagneyd Dowlada Jubballand iyo Xafiiska Farmaajo oo cunaqabateyn saaray Kismaayo, arrintaas oo ay Puntland kasoo horjeeday.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa xiligaa ku baaqay in shir wadatashi ah isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, balse hadalkii kasoo baxay Xukuumada Federaalka ayaa ahaa kii Wasiir Goodax Barre uu ku sheegay inuu cunaqabateyn doono Ardayda kumanaanka kun ah ee ku nool deegaanada Puntland.

Xiligaas ayaa la sheegay in la xaliyey khilaafkan kadib markii Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ee Muqdisho ku sugan sheegeen in Puntland horey intaan la dhisin Dowlada Federaalka u heysatay nidaam Waxbarasho oo ay iyadu maamusho kaasi oo u fasaxayo Dastuurka Dalka.

Dhawaaqyada ka soo baxaya Guul-wade Goodax ayaa loo adeegsadaa arrimo siyaasadeed oo la isku dayo in qisada iyo warka siyaasadeed ee socda lagu jaahwareersho laguna beddelo, si markasta loo haysto baraaruga iyo sheekada.

Dhaqaalaha & Deeqda Waxbarasho

Goodax ayaa in muddo ah olole xooggan ugu jiray in Wasaaradiisa Muqdisho ay maamusho dhaqaalaha dhamaan loogu talo galay imtixaanada Iskuulada Puntland.

Sidoo kale Deeqaha Waxbarasho ee Soomaaliya Caalamka ka hesho ayaa ah mid lagu qeybiyo Muqdisho, oo inta badan la musuq-maasuqo taas oo marar badan dhacday in Ardaday Puntland ka timaada in badan oo kamid ah lagu qadiyo.

Goodax ayaa la sheegaa Guulwadeyntiisa inuuba dhiiri gelin uga helo Madaxweyne Farmaajo isla markaana kooxda u qaabilsan Villa Somaliya ololaha si toos ah isugu dayeen inay arrintan uga faa’iideystaan xiisada laga dhex bilaabo Puntland, iyagoo si toos ah ulla xariirayey dhalinyaro ku nool deegaanada Puntland oo ay ka codsanayeen inay sameeyaan mudaharaadyo looga soo horjeedo dowladooda.

Waxaa iyaduna xusid muddan in Xafiiska Goodax uu horey ugu fashilay imtixaanada uu maamulo oo qaarkood kahor xiligii imtixaanka lagu faafiyey baraha bulshada.

Shirkii Dhuusamareeb iyo Dhawaaqa Guul-wade Goodax

Cabdullahi Goodax Barre oo markale Guulwadeenaya ayaa todobaadkan ku dhawaaqay in Ardayda Puntland aan wax shahaado ah lasiin doonin, maadaama Xafiiskiisa uusan maamulin Iskuulada kuyaal Puntland, sidoo kale waxa uu sheegay in ardeyda Puntland aysan wax nasiib ah u heli doonin deeqaha Waxbarasho ee Dowaldda federaalku hesho.

Hadalkan ayaa lagu soo beegay shirkii ka dhacay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ee looga hadlayey arrimaha Doorashada.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ee la baxay Nabad iyo Nolol ee u bareeray in dhalinyarada gaar ahaan Ardaday Puntland ka dhigto banooni siyaasadeed oo ay mar walba ku laadaan Dowlada Puntland ayaa aaminsan in shacabka Puntland ee aan ka amar qaadan Muqdisho ay ku xujeysan yihiin inay ku waayaan xaquuqdii ay dalka Soomaaliya ku lahaayeen.

Falsafadan Farmaajo ayaa soo xasuusineysa Shacabka Puntland siyaasadii laga dhaxlay Gumeystihii Talyaaniga iyo Xukuumadii Militariga ee cunaqabateynta Dhaqaale saari jiray Gobalada Waqooyi-Bari Soomaaliya, waana tii  loo bixiyey gobalada Puntland (GAARI-WAA), oo micnaheedu ahaa inaan waxba gaari dhulkaasi (Mashaariicda horumarinta).

Dhanka kale waxaa la is weydiinayaa macnaha federaaal ee Villa Somalia ay aaminsan tahay waxa uu yahay, sidee noqon lahayd arrintu haddii ay awood u yeelan lahaayeen intaas ka badan?

W/Q: Hanad Askar

Leave A Reply

Reader Interactions

Comments

  1. Ahmed Osman says

    Fiicnaan lahaydaa in kooxda #Villa_Somalia ay garawsadaan in Kacaankii DHINTAY oo la AASAY (Dead & Buried), Soomaaliya ukumaheeduna aysan, hadda, ku jirin #Hal_Abxad oo taal Xamar! Maamulkiina baahay oo uu Federaalkiina meelo badan ka hirgalay.

  2. Abdullahi Elmi says

    war dowlada federaalka ah,ee Soomaaliya,sax bay ku tahay in aanay siinin,shahadada dugsiga sare Soomaaliya ardayda,maamul goboleedka Puntland ee Soomaalia eedana waxaa leh,maamulka Deni iyo madaxadooda waxbarashada ee heer gobol.
    nidaamka federaalka waxa uu awood dheeri ah,siinayaa,dowlada federaalka ah,si suuragal u noqoto in dalka Soomaaliya shaqeeyo.
    Maamul goboleedyada Soomaaliya waxa at leeyihiin,awood koobanoo uu sharcigo siiyey.
    Waa in aan laga tagin,in waxa Jira la sheego,oo dicaayad iyo wax aan dhab ahayn,la qoro.
    Puntland iminka waxayba iibsanaysaa,dhulkii Baarlamaanka Puntland oo Deni iyo shaqsiga u shaqeeya ee Abwaan ayaa raba in at ka macaashaan,arintaasi,waxaan,shaki ku jirin,in aaran Jaan,laga iibin doono,arintuna si musuqmaasuq ah,ku dhamaandoonto.

  3. Jana Gale says

    Abdullahi Elm ma Nabad & Nolal baa tahay misa Federal baadan wax aqoon. Hadii Soomaali dooneyso dawlad dhexe oo awood badan Federal ma doorateen. Federaal waa awood qeybsi. Ma la socotaa Dawladda Maraykanka inay States xaq u leeyihiin ka ariminta waxbarashada, Dawlada Dhexe wax ah kuma lahan shahaadana ma bixiso.

  4. mohamed warsame says

    Puntiland wa lotashaday cadow badan aya jira,dadka puntland uma diyarsana Cadowgoda dhibatadu wa midas,dadka puntland waxa wajib ku ah in aay hurdada kakacan oo isku tashadan.

  5. Saeid Hussein says

    Ninkaan guulwade mahee Waa xayawaanle ayagoo dhan baa dadkaan qaaq kuso yiraahda marka horeba wax isku darsiga baa qalad ah

  6. Jana Gale says

    Maxamed Warsame, waxaa la diidan yahay nidaamka dawliga ee Federaali ku dhisan ee Soomaali ku heshiisay. Waa isku daygi ugu dambeeyey ee burburinta federaalka. Waxay rabaan dawlad magaca federaal ka ah laakin u shaqeyneysa sidii dawladi kacaanka. Soomali dawladba waxay ka aragtay nidaam diktaatoor oo mayil adag oo ninki ka fikir duwan madaxwaynaha lagu shaabadaynayo qaran diid qaran dumis iyo wax la mid ah. 4 tii sano ee ugu dambeysa Farmaajo wuxuu dib u soo celiyey guulwadaynte Siyaad Barre iyo baraha internetka in qof waliba aan fikirkiisa taageersaneyn koox uu sameysatay inay aflagaadeeyaan. Farmaajo soo ma ah nin lagu doortay wadananimo dadka taageersan. miyeysan ogeyn inuu qalbi dhagax oo ah muwaadin inu u dhiibay dal kale. Farmaajo iyo intii hawshaa ka shaqeyse laguna xukumaa Khiyaano Qaran iyo Xabsi dheer. Allow kan mid dhaama noo door.

  7. Gooni gaashaan says

    Goodax bare waa shaqaale shaqadiisa ayuuna ilaashana yaa laakiin dhibku waa farmaajo oo aan jeclayn puntland taasna waxaa marqaati u ah buugii uu qorey ee dadka reer puntland uu ku sheegey jaajuusiintii talyaniga iyo gumaysta yaashii laakiin dhibka jiraa ah africanku waxbadana maqriyaan haday akhriyaana maxusuustaan oo dhaqso waa hilmaaman macnaha reer puntland maba xusuusan waxna kama soo qaadin buugii farmaajo waadna ogaydeen markuu puntland imaadey in dadka qaar ayba ooynayeen markey arkeen sidii micheal jackson oo masrax soo istaagey laakiin realityga farmaajo waa farmaajo reer puntland waxuu ka aaminsan yahay jaajuusiintii gumaystaha marka reer puntland maskiin kaas goodax dhibku maahane ee waa ninkaas idiin yaqaana jaajuusiintii gimaystaha ee iska cesha ama stop complaining and surrender

  8. Waayeel says

    Kuwo reer Puntland ah baan waxaan kamaqlijiray Farmaajo, khayre iyo goodax waa qabyaaladiisteyaal oo dadka reer puntland bay necebyihiin, waan layaabi jiray. Ayaan dhawayd baa yar villa Somalia kashaqeeya iigu dhaartay in 3 daa shaqsi waa farmaajo, khayre iyo goodax ay aad unecebyihiin Puntland. Wuxuu yarku no sheegay wax aan halkaan Lagu qorikarin. Reer puntland xaal qaata.farmaajo iyo khayre ayuu iigu dhaartay in aykula socdaan goodax foolxumada usamaynayo. Qabyaaladoodu waa waali buu igu yiri Markey noqoto reer puntland siyaasi iyo shacab waa isugumid.

    • Ahmed says

      Arrintu waa sidaas LA sheegay, nacayb aad u weyn oo Puntland Ku socda baa jira. Puntland mana oga mana isla socoto dhexdeedu. Allah baa u maqan…

  9. mohamed warsame says

    Dadka puntland cadowgeeda mayaqanin? Dadka puntland maxaa loneceb yahay? maxase lagudboon ummada puntland? sidese loga gashaman kara cadawada loqabo si aan wax logu dhimin? ama midnimada puntland lo’ilasho,marka hore waxa lo bahan yahay dadka wax garadka ah oo aay ugu horeyan culimada ganacsatada siyasiinta, masulinta xilka haysa isimada dhaqanka,dhalinyarada Haweenka Dadka saxafada,Ardeyda sharciyaqanada,Cidamada Qalabka sida qaybohoda kala duwan,dad intas kakoban oo kashaqeya midnimada iyo wada jirka puntland in lasameyo,qofkasta oo dadkas kamid ah in uu udiyarsanado midnimada wadajirka puntland,cadawgana isha lugu hayo,waxa kale oo jira in lasameysto saxibo somalida kale waxii wax lala wadagi karo,waxa kale oo muhim ah in sameyo saxibo shisheye si talo iyo dhaqale lola wadagi laha.