Raysalwasaare Xassan Kheyre oo iska xaadiriyey Dhuusamareeb

Published: July 14, 2020

Raysalwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wefdiga Raysalwasaaraha ayaa ka qaybgalaya wejiga labaad ee shirka wadatashiga ee u dhexeeya Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalka ah si looga arrinsado doorashada 2020/2021.

Raysalwasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, waxaana u gudbey xarunta loogu talo galay in uu dego.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaguna kamid ah dadka shirka wejigiisa labaad ka qayb-qaadanaya ayaa la filayaa in 48 saac ee soo socota uu gaaro Dhuusamareeb.

Madaxweynaha iyo Rayaalsawasaaraha ayaa ku kala aragti duwanan sida loo wajahayo doorashada soo socota, haddii aan si hoose la isu afgaran maalmihii u danbeeyey, waxaana la is weydiinayaa sida la isugu waafaqi karo nooca doorasho ee dalku gelaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *