Wejiga Labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo isla todobaadkan furmaya

Published: July 14, 2020

Kadib markii shirkii gaarka u ahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalku ku soo dhamaadey war murtiyeed ka kooban shan qodob, oo ay ugu muhimsaneyd, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, muddo kororsina aan la sameyn karin iyo in shir labaad ay isugu yimaadaan iyaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah iyo raysalwasaaraha, ayaa waxaa durba loo diyaar garoobey in shirkaasi qabsoomo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in wejigii labaad ee shirku uu furmayo maalmaha soo socda, mar uu habeenkii xalay ka hadlaayey kulan ka dhacay magaalada Dhuusamreeb, waxaana uu hoosta ka xariiqey in Madaxda Dowladda federaalku ay ka soo qaybgalayso.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu weli ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyadu ay qabaan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho lamid ah tii 2016 oo dib loo hagaajiyey, waxyaabaha laga beddalay waxaa kamid ah:

  • Tirada ergada dooraneysa xildhibaanka, oo la gaarsiin karo 250 ergay
  • In doorashada la baahiyo ayna ka dhacdo gobolada iyo degmooyinka halka markii hore ay ka dhici jirtey caasimadaha Dowlad goboleedyada.

Qodobada lagu kala aragti duwan yahay ayaa ah:

  • Xiliga doorashadu dhici karto farsamo ahaan
  • Qaabka loo soo dooranayo Xildhibaanada Aqalka Sare
  • Iyo dhismaha guddiga doorasho ee kumeelgaar ah oo heer federaal ah

Dhuusamareeb 2 ayaa noqonaya laba arrin midkood, in ay ka soo baxaan dhamaan go’aamada lagu hagaayo doorashada 2020/2021 iyo in uu noqoto mid lagu heshiiyo mabda ahaan nooca doorasho isla markaana la dhiso guddiyadii ka shaqeyn lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *