Amar Kasoo Baxay Dowlada Soomaaliya Iyo Puntland Oo Qaadacday

Published: July 16, 2020

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu soo saaray amar ku saabsan in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadato magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanu qabin covid19, loo aqoonsan doono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baarista Covid19.

Balse agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku qaadacay amarka ah in Muqdisho kaliya shahaadaha laga qaadan karo, maadaama ay Puntland yaaliin mashiino casri ah oo lagu baro cudurka COVID19.

https://www.facebook.com/hersi.hassan.9/posts/2928835737243389

Waxaa dhowaan dib loo furi doonaa duulimaadyada dalka taasoo qof kasta oo ka dhoofaya Soomaaliya ku qasabi doonta in uu qaato shahaadadaas caafimaad.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

    1. Asc
      Dowlada somaliya waxay soo celisey wixii siyaad bare allaya arxamo habarta saylac loogtaa ama gardafuu waxay doonayaan xamar howyimaadeen war taasi dib u dhacimayso ee ku biyacaba