Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo maanta tagtey Dhuusamareeb!

Published: July 16, 2020

Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Doorshooyinka Qaranka ayaa maanta gaartey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Booqashada Xaliima Yareey ayaa ku soo beegmeysa xili dhawaan uu ku soo dhamaadey Dhuusamareeb wejigii kowaad ee shirka wadatashiga doorashooyinka federaalka oo ay yesheen dowlad goboleedyadu, kaas oo macnaha ka soo baxay yahay in la hakiyo shaqada Guddoomiye Xaliima Yareey, maadaama ay sheegtey in aysan qaban karin doorasho 1Q1C ah ee loo baahan yahay tub kale oo heshiis lagu yahay.

Waxaa Dhuusamareeb lagu wadaa in uu maalinta Sabtida ka furmo wejiga labaad ee shirka oo ay ka qaybgalayaan madaxda Federaalku.

Ma cadda ujeedada Xaliima Yareey ay halkaas u tagtey, warar ayaa sheegaya in ay dalabatey in ay shirka warbixin siiso taas oo dadka qaarkiis ku tilmaameen “ciyigii waa ka baryey”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *