Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Published: July 16, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan maalinta Sabtida ah xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaa maanta gaarey magaalada Dhusuamreeb qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha.

Shirka wadatashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Dhuusamareeb maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa horey ugu sugnaa Dhuusamareeb, waxaana uu maanta saacado kooban joogey magaalada Garoowe oo uu kaga qaybgalay aaska raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.

Shirka weli ajandihiisa la iskuma raacin, waxaase meesha ka baxay magicii hore ee Dowladda federaalku siisey ee ahaa Shirka golaha Amniga Qaranka, waxaana shirkan looga wada hadli doonaa doorashooyinka dalka ka dhici doona nooca ay noqon doonaan.

Waxaana kamid ah qodobada ugu waaweyn ee horyaala:

Doorasho qof iyo cod ah miyaa la aadayaa, tan waxay dooneysaa in muddo kordhin loo sameeyo Dowaldda Federaalka, suurtagalnimadeedu waa mid aad daciifd u ah.

Doorasho dadban oo wax laga beddeley middii la qabtey sanadkii 2016, tan waxaa qaba inta badan Dowlad goboleedyada, Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare iyo weliba xubno sare oo Dowaldda Federaalka ka tirsan.

Haddii qodobka labaad la qaato ayaa dooda ugu adag noqon doontaa, wakhtiga ay ku dhici karto farsamo ahaan, metelaada Banaadir iyo maqaamka caasimadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *