Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Dowlad Deegaanka Soomaalida

Published: July 17, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socdey dowlad deegaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayo Wasiirka tacliinta sare iyo Seyniska Cabdullaahi Maxamed Muuse.

Wafdiga oo ay ka midyihiin Lateliyeyaal Madaxweyne , Guddooomiyaha Gobolka Doollo, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin hore ayaa u gudbiyey madaxweyne Deni dhambaal tacsi ah oo ay uga sideen madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, oo dadka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya uga tacsiyadeeyay geerida Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa inta kulanku socday ka wada hadlay horumarinta iskaashiga, Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *