Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Published: July 17, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Bogga facebooga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu baahiyay kulanka madaxweynaha iyo Boqorka oo sidoo kale ay ka qaybgaleen siyaasiyiin ay ka mid ah Cali Cabdi Awaare iyo Cabdullaahi Shiikh iyo Xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka.

Madaxtooyadu faahfaahin kama bixin ujeedada kulanka iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo Boqorku ka wada hadleen iyo in kulanka uu ku koobnaa oo kaliya salaan iyo isbariidin.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo labo maalmood ah ka hor soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa ka qaybgalay Aaskii qaran ee loo sameeyay Ra’isul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Kulanka Boqor Burhan Boqor muuse iyo Madaxweynaha Dawlada puntland Dr.Saciid Abdullahi Danni waa tilabo wanagsan oo horay loqaday,hadanu nahay wax garadka puntland wanu sodhaweyna tilabada masulintu qaday,waxayna nagalinaysa farxad.