Imtixaanka Shahaadiga oo Ka Bilowday Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya

Published: July 18, 2020

Imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday goboladda bartamaha iyo koofurta Somaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda maanta Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka.

Xarumaha Imtixanka lagu galayo ayaa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu talagay sugida amaanka xarumahaasi, waaxana sidoo kale jooga kormeerayaal lagu tala galay in ay ilaaliyaan Imtixanadka, kuwaasi oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Taliska booliiska ayaa toddobaadkii hore soo saaray digniin ay kaga digayeen badqabka imtixaanka shahaadiga ee maanta ka bilowday Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka

dhinaca kale, Shamso Maxamed Xaashi oo ah Ardayad Umushay Xiligii imtixaamka ay u fariisan lahayd ayay Dowladda Soomaaliya Imtixaamka Dugsiga Sare ugu geysay Cusbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho.

Shamso iyada oo faraxsan ilmeheeduna u caafimaad qabo ayaa sariirta imtixaamka looga Qaaday.

Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaado dowladda federaalka Somaliya ayaa ka dhacaya maamuladda Galmudug, Hirshabelle, Jubbland iyo Koonfur galbeed ayaaGalmudugna.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *