Madaxweynaha Iiran: 25 Milyan oo Qof ayuu Covid-19 ku Dhacay

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dad ka badan 25 Milyan oo reer Iiraan ah uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay telefishanka Waxa uu ka digay in 35 Milyan oo qof oo kale ay halis ugu jiraan inay qaadaan cudurka Coronavirus.

” Qiyaas ahaan 25 milyan oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, 14,000 kun qof ayaa noloshooda ku waayay, 200,000 kun qof waxaa la dhigay cusbitaalada” sidaas waxaa yiri madaxweyne Ruuxaani.

Tirakoobkan uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay ayaa aad uga badan tirada rasmiga ee dadka reer Iiraan ee uu ku dhacay cudurka ee loo gudbiyay hay’adda caafimaadka Adduunka taasi oo ah labo iyo lixdan kun oo qof.

Khudbada madaxweynaha Iiraan ee la xiriirta tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ayaa muujinaysa xadiga faafitaanka cudurka ee wadanka Iiraan oo tirada dadka ku nool lagu qiyaaso 80 Milyan oo qof.

Hay’adda caafimaadka Adduunku waxay sheegtay in 14 Milyan qof uu guud ahaan Caalamka uu ku dhacay Cudurka Coronavirus.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *