Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Cadaado – SAWIRO

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta safar ku  tagay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ku jiraan xildhibaano heer Federaal ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimada Puntland ee Garowe halkaasi oo ay uga qeyb galeen Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland AUN. Maxamed Cabdi Xaashi iyo Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Xasan Abshir Farax.

Shacabka magaalada Cadaado ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey wafdigan, waxaana ka qeyb qaatay soodhaweynta mas’uuliyiin ka socota Galmudug iyo siyaasiyiinta deegaankaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in booqashadan uu ku tagay magaaladii uu horey ugu noolaan jiray kadib uu usii gudbo caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo lagu wado in uu ka furmo Shirka u dhaxeeya Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Xukuumada Federaalka.

Magaalada Dhuusamareeb ayuu hada ku sugan yahay Raysalwasaare Khayre waxaana lagu wadaa inuu maanta halkaasi gaaro Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *