Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb – SAWIRO

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi kala yimid magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Soodhaweynta wafdigan waxaa ka qeyb qaatay Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo horey magaalada ugu sugnaa iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa iyaguna la sugayaa inay magaalada Dhuusamareeb yimaadaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka ka dhoofay magaalada Garowe isagoo gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud oo casumaad loogu sameeyey.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo maanta ka qeyb galay shirweynaha urur Siyaasadeedka KAAH oo ka dhacay Garowe ayaa la filayaa inuu dhawaan u baxo Dhuusamareeb oo uu ka furmi doono shirka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo si weyn isugu  khilaafsan nidaamka Doorashada soo socota ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *