Madaxweyne Farmaajo Oo La Filayo Inuu Galabta Gaaro Dhuusamareeb

Published: July 18, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu galabta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyey inuu madaxweyne Farmaajo galabta gaarayo magaalada dhuusamareeb isagoo halkaas kaga qaybgali doona shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Sidoo kale waxaa horey dhuusamareeb u gaaray raisul wasaare Xasan Cali Khayre oo isna ka qaybgalaya shirkan looga tashanayo sida ay noqonayso doorashada soo socota Soomaaliya 2021,

Balse Khayre ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe oo uu kaga qaybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, Maalmaha soo socda ayaana la filayaa inuu dib ugu noqdo Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *