Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Kaah Oo Ka Furmay Magaalada Garoowe

Published: July 18, 2020

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Kaah ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Waxaa shirweynaha kasoo qaybgalay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Puntland, Xubno ka tirsan ururka Kaah oo ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka Puntland, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ganacsato, Ururada iyo dadweyne badan oo taageersan ururka Kaah.

Intii uu shirku socday waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u tira badan oo ka mid ahaayeen wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland, ahna guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee ururka Kaah, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ku-xigeenkiisa Fu’aad Abshir Axmed, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, labadiisa ku-xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame iyo masuuliyiin kale.

Waxaa laga sheekeeyey oo lagu faanay waxyaalihii u qabsoomay ururka, tirada dadkii iska diiwaangeliyey iyo in ay xarumo ka furteen dhammaan gobolada Puntland.

Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Kaah ayaa maanta waxay ahayd furitaan oo kaliya balse berri ayaa la dooran doonaa hoggaanka sare ee ururka sidoo kalena la dejin doonaa xeerarka iyo shuruucda dhiman.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *