Shirweynaha Urur Siyaasadeedka Mideeya Oo Garowe Ka Furmay

Published: July 18, 2020

Magaaladda Garoowe waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha urur siyaasadeedka Mideeya kaasi oo socon doono Muddo labo maalmood ah.

Shirweynaha ururka Mideeya ayaa waxaa ka qaybgalaya Ergooyin tiradoodu kor u dhaafayso 400 xubnood oo ka kala yimid dhammaan goboladda Puntland.

Ergooyinka oo isugu jira siyaasiyiin caan ah, aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro iyo haween ayaa maanta ansixiyay xeerka ururka, kaasi oo ay Haa ku codeeyeen 400 Ergay, waxaana diiday 8 Ergay, halka 4 xubnoodna ay ka aamuseen.

Shirweynaha waxaa kaloo lagu dooran doono guddoomiyaha ururka, ku-xigeenkiisa, xoghayaha guud guddiga fulinta iyo gollaha dhexe ee ururka.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Ururka Mideeye Daahir Xaaji Khaliif oo furitaankii shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay in Ururka Mideeye ay iska diiwaan galiyeen 12,600 oo qof oo Tageerayaal ah

” Ururka Mideeye waxa uu ku dhismay baaqii Dawladda Puntland oo ahaa in loo guuro nidaamka xisbiyada badan…”

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah xubnaha asaasayaasha ururka ayaa sheegay in ururka Mideeye uu u taagan yahay in la dhowro dhaqanka suuban ee Diinteenna Islaamka iyo dhowrista Dhaqankeenna soo jireenka ah.

“Ururka mideeye waxa uu ku taamayaa in uu daadajiyo maamulka dawladnimada heer degmo iyadoo hurmuud ka ahaan doonaan dhallinyarada gabdho iyo wiilal si siman” ayuu yiri Cali xaaji Warsame

“Ururka Mideeye haddii uu xilka ku guulaysto waxaa uu xiriir caafimaad qaba oo wanaagsan la yeelan doonaa Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda dhexe”

Siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee caanka ah ee ka qaybgalay shirweynaha ururka Mideeya waxaa ka mid ahaa Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland, Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi, Ganacsade Maxamed Cabdinuur, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Axmed cali xaashi Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, wasiirkii hore e warfaafinta Puntland, Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise, wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland, Cabdullaahi Carshe, wasiirkii hore maaliyadda Puntland iyo Siyaasiyiin kale oo ka mid ah asaasayaasha ururka Mideeya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *