Hogaanka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland Oo La Doortay

Published: July 19, 2020
Gudoomiyaha Cusub ee Xuquuqul Insaanka PL, Siciid Cabdi Muumin

Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta u doortay Siciid Cabdi Muumin, guddoomiyaha cusub ee xafiiska xuquuqul insaanka Puntland.

Booskan ayaa waxaa ku tartamayey seddex musharax oo kala ahaa Siciid Cabdi Muumin, Faysal Mahdi Cali iyo Maryan Axmed Cali oo horey usoo noqotay wasiirkii haweenka Puntland.

Maryan Axmed Cali

Doorashada oo ku dhacday hab qarsoodiya ayaa waxaa golaha wakiilada soo xaadiray 62 xidlhibaan, waxaana wareegii koowaad ku haray Faysal Mahdi Cali oo helay 3 cod.

Faysal Mahdi Cali

Waxaana wareegii ugu dambeeyey ku guuleystay Siciid Cabdi Mu’min oo helay 34 Cod, halka Maryan Axmed Cali oo la tartamaysay ay heshay 28 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashada baarlamaanka Puntland Xil. Cawil Xassan Daad ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka ku guulaystay Siciid Cabdi Mu’min.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *