Kulan u socda Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Published: July 19, 2020

Wararka ka imaanaya xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Aqalka Madaxtooyada uu shir uga socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islan oo khilaaf ba’an u dhexeeyey.

Waa kulankii u horeeyey ee ay isku arkaan kadib doorashadii Dowladda Federaalku diidey natiijadeeda ee Agoosto 2019 ka dhacdey Kismaayo ee dib loogu doortey Axmed Madoobe.

Maalintii shalay waxaa Axmed Madoobe ka baaqsadey in uu kamid noqdo dadkii wax ka soo dhaweeyey Madaxweyne Farmaajo oo dhuusamareeb ka degey, wuxuuna shalay ka degay magaalada Cadaado isagoo ka yimid magaalada Garowe.

Kulankan ayaa fure u noqon doono niyad samida shirka la doonaayo in ay isugu yimaadaan Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalka, oo lagu wado in 48 saac ee soo socota furmo.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan sheegtey in ay aqoonsatey Madaxweynaha Jubland, laakiin uu yahay Madaxweyne kumeel-gaar ah oo shaqeynaaya laba sano loogana fadhiyo 2021 in uu qabto doorasho, taas oo Axmed Madoobe ku tilmaamey go’aan miskiinimo.

Tan iyo markii Dowladdu si cad uga soo horjeesatey natiijada doorashadii 2019 ee Jubland, waxay qaadey tallaabooyin badan oo ay ka mid tahay, in ay ciidamo badan ku daabulaan gobolka Gedo, kana saaraan maamulka Jubaland, waxay cunno qabateyn dhanka duulimaadka ah ku sameeyeen Kismaayo iyo tallaabooyin kale oo badan oo ay kamid ahayd farogelin toos ah.

Waxaa la is weydiinayaa waxa ka soo bixi kara shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubland waxa uu noqon doono, waxaana si weyn loo saadaalinayaa in ay sawiro isla geli doonaan, waxa ugu weyn ee ka soo baxana uu noqon karo in shirka lawada galo iyada oo lawada qoslaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *