Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Published: July 19, 2020

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni iyo wafdi balaaran oo ka socda Dowlada Puntland ayaa goordhaweyd gaaray caasimada Galmudug.

Wafdigan ayaa tagay Dhuusamareeb xili ay weli socoto qaban qaabada shirweynaha ay ku kulmayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa shalay tagay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Raysalwasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Shirkan loogu magacdaray Dhuusamareeb 2 ayaa daba-socda Kulankii ay Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay ku  yeesheen magaalada todobaadkii lasoo dhaafay, shirkaasi oo laga soo saaray qodobo ay kamid ahaayeen in Dalka ay ka dhacdo Doorasho xiligii loogu talogalay, taasi oo noqoneysa mid dadban, isla markaana Madaxda Qaranka laga codsaday inay yimaadaan Dhuusamareeb si ay ulla kulmaan Madaxda kale.

Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa horey u diiday inay aqbalaan baaq uga yimid Madaxweynaha Federaalka oo codsaday 5tii bishan in la isugu tago magaalada Muqdisho, xili ay jirto kala aragti duwanaasho ku aadan Doorashada 2020/2021, waxayna States-ka qaarkood ku eedeeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka inay wadaan olole ay doonayaan inay wakhtiga ku kororsadaan.

Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya ayaa wakhtigooda ku eg dhamaadka sanadkan, halka qorshuhu uu ahaa in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo bisha Feberaayo 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *