Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Guddiga Diyaarinta Munaasabadda Xuska 1da Ogoosto

Published: July 19, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 1da Ogoosto oo ku beegan aasaaskii dowladda Puntland 22-sano kahor.

Guddiga oo ka kooban sideed xubnood ayaa isugu jira wasiiro, wasiir kuxigeeno, wasiiru dowlayaal iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye).
  2. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
  3. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Maxamed Xasan Ciise (Xubin).
  4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada, Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin).
  5. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin).
  6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin).
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
  8. Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)

Puntland ayaa sanad kasta marka la gaaro bisha ogoosto waxaa lagu qabtaa munaasabado lagu xusayo aasaaskii Puntland oo ku beegan xiligii 1da Ogoosto 1998.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *