Puntland Maxay Ka Baran Kartaa Khaladaadkii Xisbiyada Somaliland?

Somaliland waxay ka soo baxdey dagaalo sokeeye ka hor shirkii Boorame ee dib loogu doortey Maxamed Ibrahim Cigaal rabbi ha u naxariistee sanadkii 1997, waxa uu ballan qaadey in shacabku soo dooran doono hoggaankooda, cagtana uu marin doono hadalhaynta SNM. Sanadkii 2001 ayey ahayd markii u horeysey ee xisbi siyaasadeed lagu dhawaaqo, Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhawaaqey UDUB (Ururka Dimoqraadiyadda Ummadda Bahoobay), UDUB waxa uu noqdey Xisbul Xaakim, raggii Jamhadda ee darbiyada la taagnaan jirey kaadideyda ayaan u soo cabbey badankood kama aysan mid noqon, sida Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Dhegaweyne iyo qaar kale oo badan.

Xisbigii labaad ayaa noqdey UCID, xisbigan waxaa sameeyey qurbojoog badankood ka yimid dalka Finland, waxaana uu ahaa xisbi aad loo fududeystey awoodiisa, marka la eegay ragga horboodaya oo aan kamid ahaan jirin jamhaddii SNM ama maamuladii hore, reer Hargeysa waxay ku naaneysi jireen UCI, oday Cigaal ayuu u ciyaa ayey dhihi jireen.

Burco waxaa looga dhawaaqey Xisbi la yiraahdo Asad Party waxaana guddoomiye ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), ururkan waa uu diidey intii Cigaal noolaa in u shuruudda soo buuxiyo, waxaana uu ahaa xagjir mayal adag oo hadalo qalafsan.

Kadib geeridii Maxamed Ibraahim Cigaal sanadkii 2002, waxaa Xisbi weyn ku dhawaaqey Axmed Siilaanyo iyo qar kamid ahaan jirey jamhaddii SNM, sidoo kale waxaa kamid ahaa sasaayaasha, rabbi ha u anxariistee fagadhe iyo Maxamed Siciid Gees waxaana loo bixiyey Kulmiye. Waxaa sidoo kale jirey Ururka Sahan oo ay kamid ahaayeen siyaasiyiin miisaan culus sida Muuse Biixi Cabdi, Dr Maxamed Cabdi Gabboose iyo Cali Waran Cadde, waxaa kale oo jirey urarada Hormood iyo Ileys.

Doorashadii ugu horeysey ee Somaliland ka dhacda dabayaaqadii sanadkii 2002, waxaa ku tartamey 6 Xisbi oo kala ahaa.

  • UDUB
  • UCID
  • Kulmiye
  • Sahan
  • Hormood iyo
  • Ileys.

Sida uu qabey sharciga Somaliland waxaa la doonaayey in saddex Xisbi keliya soo baxaan kuwaas oo ah kuwa ugu codka badan, waxaana ugu cod badnaa UDUB oo heley codad ku dhaw 180 kun oo cod, waxaa kaalinta labaad galay Kulmiye oo helay codad ku dhaw 90 kun oo cod, waxaa kaalinta saddexaad galay UCID oo heley codad gaaraya 50 kun oo cod.

Haddaba saddexda xisbi ee kale ayaa qudhoodu helay codad aad u badan oo ay ku noqon kareen Xisbi rasmi ah haddii ay isticmaalaan caqliyadda caalamka badankiis isticmaalo ee ah in Xisbiyada lagu xiro Boqoleey codadka ah ama kuraas haddii ay gaaraan ay Xisbi noqon kari lahaayeen, maanta Somaliland waxay lahaan lahayd lix Xisbi, Ururka Sahan waxba kama codad yareyn UCID, waxaana u dhexeeyey kun cod, Asad ayaana ugu codad yaraa waxa uu heley codad ku dhaw 40 kun oo cod.

Saddexda Urur ee Sahan, Hormood iyo Asad ayaa Xildhibaanadii goloyaasha deegaanka ee la doortey lagu amrey in ay ku kala biiraan saddexda Xisbi ee ugu codka badan ee noqdey Xisbiyada rasmiga ah, waxaa xusid mudan in Xisbiyadan ay magaalooyinka qaarkood aqlabiyadeeda ku guulesyteen.

Dadka taariikhda iyo Sooyaalka Somaliland wax ka yaqaana ayaa sheega in Xisbiyada lagu koobo saddex oo keliya ay u horseedey Somaliland Dimoqraadiyadeedi noqoto mid beelaysan, Xisbiyadii loo ekeysiiyey midab beelo, beelaha iyo xisbiyaduna noqdaan kuwo isku dhex milma, laakiin haddii Xisbiyadu ay intaas ka badnaan lahaayeen waxaa dhici lahayd in muuqaalkaas meesha ka bixi lahaa oo xisbiyadu aysan isticmaaleen midowg beeleysan oo magacyo leh.

Doorashadii Baarlamaanka ee ee u horeysey ee Somaliland nidaamka Xisbiyada ku aado, waxay dhacdey 2005, waxaa lagu galay iyada oo aan tirakoob dad la sameyn, laakiin waxay sameeyeen in ceeriinka lagu qaybsadey ka hor inta aan doorasho la gaarin, taas oo xisbi kasta laga codsadey in kuraasta ceyriinka lagu qaybsadey uu u tartamo oo keeno musharixiin, arrintaas waa qodobka labaad ee Dimoqraadiyadda Somaliland ka kici weydey taas oo keentey in Baarlamaanka dib loo dooran waayo maadaama dadkii baraarugeen oo arkeen qaabkii loo jaangooyey in ay khaldaneyd.

Si kastaba qaybta kore ee qoraalku maaha mid lagu taxliilinaayo dimoqraadiyadda Somaliland waa taariikh yar oo aan ka soo qaatey, waxaana ujeedadu tahay muxuu yahay casharka Puntland ka baran karto deriskooda, ma ahan dhaliil iyo dooribaan ku eegid, Somaliland markii ay nidaamka Dimoqraadiyadda aadey waxay jirtey 11 sano oo keliya, waxaana ay ka soo kabaneysey dagaaladii sokeeye, waxay ahayd mid kala qoqoban, tusaale Burco ma ahayn magaalo si weyn loo degan yahay, waxaana dadkeedi inta badan deganaayeen tuulooyinka ku dhaw sida Yiroowe. kadib dagaaladii ka dhacay halkaas. Laakiin iyada oo ay sidaas tahay ayey ku dhiiradeen in ay nidaamka Xisbiyada hirgeliyaan.

Puntland oo hadda jirsatey 22 sano waxay tallabo horey ugu qaadey in ay heeryada maamul xumo iska tuurto, waxaana Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni si ka duwan kuwii ka horeeyey si geesinimo leh ugu dhiiraday in uu nidaamkan hirgeliyo, horseedna u noqdo waa iyo taariikh cusub ee ka hana qaada geyiga Puntland.

Si doorashooyin xisbiyo u dhacaan waxaa loo baahan yahay.

Dad: Dadka ka qaybqaadanaya soorashada waa in la yaqaano tiradooda (Tirokoob)
Deegaan: Deegaanka doorashadu ka dhacayso waa in la yaqaan laguna jaan gooyaa kuraasta dadka deggan deegaankaa, deegaankasta waa in uu lee yahay xuduud la yaqaan oo aan deegaan kale ku soo xadgudbin.
Sharciyad: Xeerarkii doorashooyinka lagu hagi lahaa, si doorasho u dhacdo.
Awood: In la helo maamulkii iyo awoodii fulin lahayd.

Haddaba Puntland 22 Sano wixii ay ku soo caano maashey maxay ku beddalan?, muxuu qabaa dastuurkeedu?, sidee ayey u ekaan dimoqraadiyadda u hilaacdey? muxuuse yahay caqabadaha geeddigaas ka hor imaan kara.

Waa inoo maqaalka danbe

Ismaaciil Xaaji Siciid
aumusse(@)gmail.com