Qarax Ayaa Lala Eegtay Gaariga Wasiir Kuxigeenka Amniga Soomaaliya

Published: July 19, 2020

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa xalay gaarigiisa qarax lagu eegtay isgoyska Taleex degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Nasiib wanaag wasiir ku-xigeenka ayaan saarneyn gaarigiisa xilligii uu dhacayay qaraxa hase yeeshee waxaa ku dhintay hal ruux seddex kalena waa ku dhaawacmeen kuwaas oo ahaa dhalinyaro gaariga la socotay.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay dadku ku badan yihiin.

Dhowaan ayaa sidan oo kale qarax ismiidaamin ah waxaa lala beegsaday gaarigii taliyaha ciidamada xoogga dalka, gen. Odawaa Yuusuf Raage, balse wuu ka badbaaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *