SYRIA: Doorashada Baarlamaanka

Published: July 19, 2020

Dalka Siiriya ayey maanta oo Axad ah ka dhaceysaa doorashada Baarlamaanka, walow codbixintan aysan ka qeyb qaadan doonin mucaaridka dalkaasi.

Doorashada Baarlamaanka ayaa ka dhaceysa deegaanada ay Dowlada Bashar Al Assad gacanta ku heyso, waxaana horey loo qorsheeyey inay dhacdo bishii April, balse labo jeer dib loogu dhigay cabsida cudurka Covid-19.

Inta badan murashaxiinta u tartameysa 250 kursi ee Baarlamaanka dalkaasi ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Xisbi Xaakimka Baath Party ee Bashar Al Assad.

Doorashadii ugu danbeysay ee dalkaasi ka dhacday 2016 ayey 200 kursi ee Baarlamaanka ah la wareegeen xubnaha xisbiga Baath, halka 50 kursi loo doortay murashaxiin madax banaan.

Dalka Siiriya oo dagaalo kusoo jiray tan iyo sanadkii 2011 ayaa waxaa ku yimid burbur dhinac walba ah, walow Taliska Bashar Al Assad aaminsan yihiin inay ku guuleystaan inay gacanta ku hayaan inta badan dhulkooda isla markaana xiligooda ay qabteen doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *