Boqor Burhan Oo Fariin U Diray Madaxda Dowlad Goboleedyada & DFS (DAAWO)

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Burhan Boqor Muuse oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa ka hadlay shirarka dhuusamareeb ee Madaxweynayaasha dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Boqorka ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dowlada iyo shacabka Galmudug gaar ahaan madaxweyne Qoor-qoor oo martigeliyey shirkaas oo looga tashanayo danaha dadka iyo dalka.

Wuxuu baaq u diray dhamaan masuuliyiinta heer federaal iyo maaamulka goboleed isagoo ka codsaday in ay mar walba u tanaasulaan danta guud maadaama ay gacanta ku hayaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu duceeyey masuuliyiinta inuu ilaahey towfiiqda waafajiyo.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id:

Shir Jaraa'id

Shir Jaraa'id: Boqor Burhaan ayaa baaq u diray madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Posted by Horseed Media on Monday, July 20, 2020

Horseed Media