Boqor Burhan Oo Fariin U Diray Madaxda Dowlad Goboleedyada & DFS (DAAWO)

Published: July 20, 2020
Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Burhan Boqor Muuse oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa ka hadlay shirarka dhuusamareeb ee Madaxweynayaasha dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Boqorka ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dowlada iyo shacabka Galmudug gaar ahaan madaxweyne Qoor-qoor oo martigeliyey shirkaas oo looga tashanayo danaha dadka iyo dalka.

Wuxuu baaq u diray dhamaan masuuliyiinta heer federaal iyo maaamulka goboleed isagoo ka codsaday in ay mar walba u tanaasulaan danta guud maadaama ay gacanta ku hayaan masiirka umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu duceeyey masuuliyiinta inuu ilaahey towfiiqda waafajiyo.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id:

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/279180329844154

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Anigu waxan qaba in inta shacabku ay iska dhexdooranayaan nin mooryana nin ah hogamiye kooxeed nin jaajuus u ah dowlada ajnabi ah inta federalka nala ku dhextuuray jiro inta culumadii aqoonyahankii oday dhaqameedkii ay gooni gooni u shirayaan in 20 sano oo kale inay sidaan iyo si kadaran ay ahaanayso somalia.

  2. Shirka galmudug xita haddii lagu xishiyo waa wax fiican lakin ma ahan mid wadaniadnimo iyo tanasul iyo naxariis ku yimid. Sida musiibada looga bixikaro waa in shacabku isku duubni ay dhexdooda mujiaan. Gobolaysiga laga saaro meesha. Si culeyska kuwa qarkood meesha looga saaro.