PUNSAA oo been abuur ku tilmaamtay qaab doorasho inay ku ayideen Madaxweyne Farmaajo

Published: July 20, 2020
Guddoomiyaha Dallada ururada rayidka ah Faysal Axmed Warsame (Qaran)

Gudoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA) ayaa jawaab ka bixiyay warar lagu sheegay inay ku ayyideen Madaxweyne Farmaajo xubno ka socda ururada bulshada rayidka sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah ka dib kullan ay kula yeesheen magaalada Dhuusa-mareeb oo iminka loo tagey shirar ku dhexmaraya madaxda dowlad goboleedyadda iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulan ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sheegay Faysal Axmed Warsame Gudoomiyaha PUNSAA oo ka mid ah 17 qof oo ka socda bulshada rayidka  inay la xiriirtay siday cadaadis ugu saari lahaayeen heshiis buuxa oo ay ka wada gaaraan khilaafka jira madaxda ku kullansan magaalada Dhuusa-mareeb.

Dhageyso Faysal Qaran

Wuxuu been abuur ku tilmaamay qoraal lagu dul-qoray bog Madaxtooyadda Soomaaliya ku leedahay baraha bulshada oo lagu baahiyay muuqaal laga soo duubay siyaasada Caasho Geelle Diiriye oo ka mid ahayd xubnihii bulshada rayidka ee Dhuusa-mareeb kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Gudoomiyaha dalladda PUNSAA wuxuu imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafey la hadal hayo taageero ay u muujiyeen soo jeedin uga timid Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya xubno ka socda bulshada rayidka oo kula shiray magaalada Dhuuso-mareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *