Barlamaanka Masar oo Ogolaaday in Ciidamo loo Diro Wadanka Liibiya

Published: July 21, 2020

Barlamaanka wadanka Masar ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in Ciidamada Milateriga ay ha howgali karaan dhul ka baxsan xuduudaha si ay u difaacaan amniga qaranka ee dalkaasi.

Go’aanka barlamaanka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii Madaxwynaha Masar C/fitaax Siisi uu ku hanjabay inuu ciidamadiisu u diri doonta dalka Liibiya si ay ula dagaalamaan waxa uu ugu yeeray Maleeshiyaadka dambiilayaasha iyo argagixisada caalamiga ah ee ku sugan wadanka Liibiya

Ciidamada Masar ayaa la filayaa in laga howlgaliyo jihada galbeed ee wadanka Liibiya halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya. Talabadan ayaa sidoo kale horseedi doontaa in ay iska hor yimaadaan Turkiga oo taageera Xukuumada Tripoli

Wadamada Masar, Imaaraatiga, Ruushka iyo France ayaa taageera Jeneral Khaliif Khaftar oo hada maamula inta badan gobalada bari ee wadanka Liibiya, waxaana weli gacantiisa ku jira xarumaha ugu muhiimsan ee laga soo saaro batroolka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha wadanka Aljeria Cabdelmajid Tebboune ayaa ka digay in la hubeeyo Qabaa’ilada wadanka Wadanka Liibiya, waxaa uu sheegay in arrintaas keeni karto xaalad la mid ah tan ka taagan Somaliya oo kale oo aan xal loo heli doonin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *