Golaha Wakiilada Puntland oo ka doodey dhamaystirka Maxkamadda Dastuuriga

Published: July 21, 2020
Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland

Golaka Wakiilada Puntland ayaa fadhigoodi maanta oo Salaasa ah isugi yimid, iyada oo kooramka Golaha Wakiiladu ahaa 39 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa ka doodey maanta dhamaytirka adeega Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo aan horey loo dhisin.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhisey qaybta kowaad ee Maxkamadda dastuuriga ah oo ka kooban 9 xaakim, waxaana uu dhisey 5 Xaakim oo Adeega sare ee garsoorka ah sanadkii 2016, laakiin nasiib darro golihii wakiilada ee xiligaas ayaa diidey in ay dhamaystiraan Maxkamadda Dastuuriga ah.

Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa Guddoomiye u noqonaya Xaakimka Maxkamadda sare, waxaana uu ka kooban yahay 9 Xaakim oo loo yaqaan Adeega Sare ee Garsoorka, 5 kamid ah waxaa soo magacaaba Madaxweynaha, halka afarta kale ay ka yimaadaan Bulshada rayidka ah waxaana soo magacaaba Baarlamaanka.

Puntland waxay u dhaqaaqdey nidaamka xisbiyada badan, kaas oo u baahan in la helo. Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyey, Dad tirkooban, Degmooyin kala xadeysan iyo Maxkmad kala saarta khilaafaadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *