Midowga Afrika oo dhex-dhexaadinaya Itoobiya iyo Masar

Published: July 21, 2020

Maanta oo Salaasa ah ayaa lagu wadaa kulan dhanka Internetka ah ay yeeshaan Midowga Afrika iyo dalalka isku haya biyo-xireenka wabiga Nile ee Itoobiya, Masar iyo Sudan.

Guddoomiyaha Xiligan ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shir-gudoomin doona kulankan khadka internetka ku yeelanayaan madaxda, waxaana lagu wadaa inay sidoo kale ka qeyb galaan hogaamiyayaasha wadamada Itoobiya (Abiy Ahmed) iyo Masar (Cabdifatah Al Sisi).

Dhex dhexaadinta Midowga Afrika wado ayaa ah middii ugu danbeysay oo la doonayo in lagu xaliyo xiisada ka dhex taagan dalalkan Afrikaanka ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay heerkii ugu xumaa gaartay.

Dowlada Itoobiya ayaa xiisadaha xiligan ka taagan gudaha dalkeeda ku eedaysay inay ku lug leedahay dowlada Masar, halka dowlada Masar dhankeeda u tabaabushaysaneyso tilaabadii ay qaadi lahayd hadii Itoobiya hawlgeliso biyo-xireenka.

Dalalka Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan in hoos u dhac ku yimaado biyaha ay shacabkooda ku nool yihiin hadii la hawlgeliyo biyo-xireenka Itoobiya ee loo yaqaan Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *