Shirka Dhuusamareeb oo maraya meel xasaasi ah -WARBIXIN

Published: July 21, 2020

Ilaa haDDA waxaan si rasmi ah u furmin shirka Wadatashiga Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku aadan arrimaha doorashada dalka. Shirarkii gaar-gaarka ahaa ayaa ilaa habeenkii xalay ka socdey Dhuusamareeb xarunta Galmudug. Furitaanka shirka weyn ee khudbadaha laga jeedinaayo ayaa caqabada ugu weyn ee hor istaagtey noqotey, Ajandaha shirka looga hadlaayo, taas oo aad loogu kala aragti duwanaa.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weeli ku adkeysanaya in shirkan uu noqdo mid gogol xaar u noqda shir weyn oo loo dhan yahay, ee aan go’aamo laga soo saarin, waxaa kale oo uu soo jeediyey in guddi farsamo la iska soo xulo kaas oo muddo laba todbaad ah ku soo diyaariya qorshaha doorashooyinka dalka, shirkaas oo ka dhaca Muqdisho

Dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyadu waa ka aragi duwan yihiin Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku adkaysanayaan, in shirka la wajaho go’aamona laga soo saaro, haddii guddi farsamo la magacaabayo ay qaadato muddo aan ka badneyn 7 maalmood shirka saddexaadna ka dhaco isla halkii uu ka bilowdey shirku ee Dhuusamareeb.

Waxaa warar sheegayaan in ay u badan tahay in guddi farsamo la iska soo saaro kaas oo diyaaraya qorshaha shirka iyo waxa heshiis lagu yahay, haddaan Madaxweyne farmaajo shirka ka bixin.

Waxaa jira kala shaki iyo in aan la is aaminsaneyn. Waxaa Dad badan aaminsan yihiin in shirkan aan niyad wanaag lagu wada fadhiyin, Dowladda Federaalka ah ay kala socoto oo aysan isku mowqif ahayn, Madaxweynaha iyo Golaha shacabkuna u miciyo lisanayaan muddo kororsi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *